
Isbeddel cajiib ah ayaa dhaca 2,000kun ee maalmood ee nolosha ugu horeysa. Laga bilaabo aminta/waqtiga Hassan yare uu ooyey oohintiii ugu horeysay, ilaa aminta/waqtiga uu salaamo macalimiintiisa dugsiga barbaarinta, wax badan ayaa isbeddelay. Hassan wuxuu bartay hadalka, socodka, iyo inuu ku-daydo qoyskiisa iyo saaxiibadii. Wuxuu ka soo gudbey xilligii ilmanimo oo uu u baahnaa daryeel joogto ah, wuxuuna noqday wiil yar oo u kuurgala/ cajiib ah, oo ka baranaya wixii uu karo adduunka iyo sida uu u shaqeeyo.
Carruurtu waxay wax ku bartaan xawaare cajiiib ah 5 sano ee u horreeya noloshooda. Iyadoo ay tahay inay wax badan bartaan kahor bilaabista dugsiga, kani waa hab layaab iyo muhiimad leh. Laga bilaabo yeelashada xirfadaha dhaqdhaqaaqa yar (fine motor) si uu kabaha u xidho, ilaa fahmidda dareenka dadka kale, waxay u baahan tahay xirfado badan inuu dugsiga diyaar u noqdo.
Aynu quusno gudaha maskaxda bartayaasheena yaryar – oo aynu wax badan ka fahamno adduunka cajiibka ah ee ka dambeeya indhaha waawayn ee iftiimaya ee Hassan.
-
- Aksoon
- soosaarka faybarka ee niyuuroon
- Dendarayt
- galinta faybariska ee niyuuroon
- Magnetoencephalography (MEG)
- farsamo sawirka maskaxda oo aan qalab u baahnayn oo loo isticmaalo in lagu go’aamiyo meelaha maskaxda firfircoon
- Niyuuroonada
- unugyadu waxay ku yaalaan maskaxda iyo jidhka oo dhan kuwaasi oo gaar u ah gudbinta farriimaha
- Qusayn geed
- habka saarista saynaabsiska saa’idka ah
- Saynaabs
- barta isku-xidhka ee niyuuroonada
- Sel bodhi
- xarunta habayta niyuuroonka
- Wakhtiga xasaasiga ah
- wakhti koboc oo maskaxdu si gaar ah diyaar ugu tahay inay barato xirfad