
Waxaad ka soo qaadi kartaa habka qusaynta sida daryeelista kayn ubax ah. Muddada koboca, waxa jira wakhti korriin weyn. Isku-xidhyada maskaxdu waa “dilaac” si la mid ah ubaxyada xagaaga. Kadib qaraxaa korriinka waxa jira wakhti qusayn. Isku-xidhyada dheeraadka ah ee maskaxda ee aynaan u baahnayn waa la jaraa, sida laamaha ubaxa ee dhuudhuuban. Isku-xidhyadan dheeraadka ah sida runta ah waxay xannibaan shaqada maskaxda. Natiijyada wakhtiga fiilista iyo qusayntu waa maskax – ama kayn-ubax – taasi oo caafimaad qabta oo badhaadhsan. Inta kobocu socdo oo dhan, waxa jira wakhtiyo badan oo fiilis iyo qusayn. Qaraxyadan waxay dhacaan wakhtiyo kala duwan meelo kala duwanna way ka dhacaan maskaxda oo dhan. Saynisyahanadu waxay u malaynayaan in qaraxyadan fiilista iyo qusayntu ay waafaqsan yihiin wakhtiyo xasaasi ah maskaxda dhexdeeda. Wakhtiyada xasaasiga ah waa wakhtiyada maskaxdeenu ay si gaar ah ugu nugushahay waayo-aragnimada, una furan tahay barashada.
-
- Aksoon
- soosaarka faybarka ee niyuuroon
- Dendarayt
- galinta faybariska ee niyuuroon
- Magnetoencephalography (MEG)
- farsamo sawirka maskaxda oo aan qalab u baahnayn oo loo isticmaalo in lagu go’aamiyo meelaha maskaxda firfircoon
- Niyuuroonada
- unugyadu waxay ku yaalaan maskaxda iyo jidhka oo dhan kuwaasi oo gaar u ah gudbinta farriimaha
- Qusayn geed
- habka saarista saynaabsiska saa’idka ah
- Saynaabs
- barta isku-xidhka ee niyuuroonada
- Sel bodhi
- xarunta habayta niyuuroonka
- Wakhtiga xasaasiga ah
- wakhti koboc oo maskaxdu si gaar ah diyaar ugu tahay inay barato xirfad