
Barashadan dhammaanteed waxa weheliya ganitaan wayn oo korriinka maskaxda ah. Marka uu dhasho ilmuhu, maskaxdiisu waa rubuc mugga maskaxda qaangaarka. Inta kale ee jidhka ilmaha dhashay xiitaa uma dhawa rubuca xajmiga qofka qaangaarka ah. Haddii la miisaamo, celceliska ilmaha dhashay ee Waqooyiga Maraykanku wuxuu gaadhi lahaa qiyaastii 40 rodo! Maskaxda caruurtu waxay sii waddaa inay korto, waliba si dhakhso ah. Marka ilmuhu gaadho 3 jir, maskaxdiisu waxay sare u dhaaaftaa boqolkiiba 80 ta xajmiga qaangaarka. 5 jirkiisa, waxay gaadhaa qiyaastii boqolkiiba 90 xajmiga ta qaangaarka. Haddii jidhkeenu ku kori lahaa xawaarahan, celceliska qofka Maraykanka wuxuu ka sarrayn lahaa 5 fiit dhererka 5 jirkiisa. Maskaxda wayn ee carruurta ayaa ugu wacan inuu madaxoogu aad u waynaado marka loo eego jidhkooda. Marba marka ka dambaysa, jidhka intiisa kale si qunyar ah ayuu u koraa wuxuuna gaadhaa maskaxda iyo madaxa.
Gudaha maskaxda, iyo jidhka oo dhan waxa ku yaala shabag unugyo ah oo loo yaqaan niyuuroono “waayarada maskaxda”. Niyuuroonadu “Waayarada maskaxdu” waa waxa maskaxdu ka samaysan tahay. Marka ay wada shaqeeyaan, waxay sameeyaan shabag calaamad-bixin oo kakan. Waxaad ka soo qaadi kartaa maskaxdaada iyo dhammaan niyuuroonadeeda sida kooxda isgaadhsiinta jidhkaaga.
-
- Aksoon
- soosaarka faybarka ee niyuuroon
- Dendarayt
- galinta faybariska ee niyuuroon
- Magnetoencephalography (MEG)
- farsamo sawirka maskaxda oo aan qalab u baahnayn oo loo isticmaalo in lagu go’aamiyo meelaha maskaxda firfircoon
- Niyuuroonada
- unugyadu waxay ku yaalaan maskaxda iyo jidhka oo dhan kuwaasi oo gaar u ah gudbinta farriimaha
- Qusayn geed
- habka saarista saynaabsiska saa’idka ah
- Saynaabs
- barta isku-xidhka ee niyuuroonada
- Sel bodhi
- xarunta habayta niyuuroonka
- Wakhtiga xasaasiga ah
- wakhti koboc oo maskaxdu si gaar ah diyaar ugu tahay inay barato xirfad