Waayo-aragnimada xilliga hore ayaa waxtar leh. Waxay wadaan koboca maskaxda, taasi oo muujinaysa sida shabagan kakan u koro iskuguna xidhmo. Waayo-aragnimadanina waxay ku dhacdaa xaaladda xidhiidho. Waa aminaha iyo macaamillada aynu la wadaagno dadka kale xilliga hore waxa diyaariyaha aasaaska inta ka dhiman nolosheena.
Muddakarrada naxariista leh ee nolosha hassan waxay ka caawiyeen isbeddelkiisa layaabka leh. Way hagi jireen intii uu ka korayey sabi ku-tiirsane ah ilaa uu gaadhayey 5 jir dugsi u diyaar ah. Way hadleen oo ciyeen, iyagoo muquuraya codadka luuqadda dhexdeeda. Markii uu bilaabay inuu hadlo, way ku booriyeen, iyagoo si samir leh ula sheekaysanaya kakanaanta koraysa. Way wada qosleen, waxay uga raaxeen oohintiisa, waxayna u dhigeen xadad. Si ay sidaas u sameeyaan, waxay u abuureen bey’ad deggan oo tayo leh hassansi uu u sameeyo sahamin iyo barasho.
Waxad ka baran kartaa wax dheeraad ah oo kusaabsan kujirayaasha keena macaamillo tayo ah Casharka 3.
-
- Aksoon
- soosaarka faybarka ee niyuuroon
- Dendarayt
- galinta faybariska ee niyuuroon
- Magnetoencephalography (MEG)
- farsamo sawirka maskaxda oo aan qalab u baahnayn oo loo isticmaalo in lagu go’aamiyo meelaha maskaxda firfircoon
- Niyuuroonada
- unugyadu waxay ku yaalaan maskaxda iyo jidhka oo dhan kuwaasi oo gaar u ah gudbinta farriimaha
- Qusayn geed
- habka saarista saynaabsiska saa’idka ah
- Saynaabs
- barta isku-xidhka ee niyuuroonada
- Sel bodhi
- xarunta habayta niyuuroonka
- Wakhtiga xasaasiga ah
- wakhti koboc oo maskaxdu si gaar ah diyaar ugu tahay inay barato xirfad