Waynu ognahay in waayo-aragnimadu saamayso koboca maskaxda. Laakiin kala-dillaacinta tafaasiisha qoob-ka-ciyaarkan kakan ee waayo-aragnimo iyo bay’oolaji waxay ahayd loolan. Hadda, qalab casri ah ayaa wuxuu siinayaa saynisyahanada daaqad cusub oo ay ka eegaan maskaxda kobcaysa. Farsamooyinka sawirista maskaxda sida magnetoencephalography waxay daaha ka qaadeen waxa ay yihiin qaybaha maskaxda ee firfircoon. Magnetoencephalography, ama MEG, wuxuu awood u leeyahay inuu dareemo goobta iyo xooganaanta shaqada maskaxda. Iyadoo ilmuhu uu la macaamilayo adduunka ku xeeran, ayeynu eegaynaa maskaxdiisa.
Qalabkan sawirista maskaxdu waa qalab aamusan, aan jidhka dhexgalayn oo waxyeelana aan lahayn. MEG ma akhriyi karo caqliga – saynisyahanadu ma awoodaan inay sheegaan waxa aynu ka fekerayno ama dareemayno iyagoo isticmaalaya qalabkan. Taa beddelkeeda, MEG wuxuu inoo sheegi karaa qaybaha maskaxda ee firfircoon marka aynu qabanayno shaqo cayiman, sida akhriska ama dhagaysiga codadka luuqadda qalaad. MEG wuxuu dareemaa xaydaabka magnetka ah ee dafiicka ah ee ay soosaaraan codadka niyuuroonada isla hadlaya gudaha hoose ee maskaxda. Noocan macluumaadka ah wuxuu ka caawiyaa saynisyahanada inay fahmaan sida qaybaha kala duwan ee maskaxdu u wada shaqeey.
-
- Aksoon
- soosaarka faybarka ee niyuuroon
- Dendarayt
- galinta faybariska ee niyuuroon
- Magnetoencephalography (MEG)
- farsamo sawirka maskaxda oo aan qalab u baahnayn oo loo isticmaalo in lagu go’aamiyo meelaha maskaxda firfircoon
- Niyuuroonada
- unugyadu waxay ku yaalaan maskaxda iyo jidhka oo dhan kuwaasi oo gaar u ah gudbinta farriimaha
- Qusayn geed
- habka saarista saynaabsiska saa’idka ah
- Saynaabs
- barta isku-xidhka ee niyuuroonada
- Sel bodhi
- xarunta habayta niyuuroonka
- Wakhtiga xasaasiga ah
- wakhti koboc oo maskaxdu si gaar ah diyaar ugu tahay inay barato xirfad