
Maadaama caruurta ay u taalo wax badan oo ay bartaan dhawrka sano ee u horreeya noloshooda, isku-xidhyadu si dhakhso ah ayey u samaysmaan niyuuroonada dhexdooda. Maskaxda carruurta yaryar sida dhabta ah waxay isku-xidhyo xad dhaaf ah. Tirada saynaabis ee maskaxda aadanuhu waxay gaadhaa halka u sarraysa qiyaastii 5 jirka. Laakiin marka maskaxdeenu sii kobocdaba oo ay qaangaadh noqotaba, isku-xidhyada u dhexeeya niyuuroonadu dhakhso uma samaysmaan.
Xaqiiqdii, kadib muddo koboc dhakhso badan inta lagu jiro 5 sano ee u horreeya, saynaabiska waxa la bilaabaa in la baabiiyo. Habkan waxa loo qoyaan qusayn. Markaynu qaangaarka noqono, maskaxdeenu waxay leedahay qiyaastii kala-badh isku-xidhyadii ay lahayd markii aynu 5 jirka ahayn. Qusaynta isku-xidhyada maskaxdeenu waa qayb muhiim ah oo kamid ah koboca maskaxda. Ka taqaluska isku-xidhyada aynaan u baahnayn, maskaxdeenu waxay u shaqaysaa si waxtar leh. Qusaynta saynaabisku waxay inoo saamaxdaa inaynu ku noqono khabiirro nolosheena gaarka ah.
-
- Aksoon
- soosaarka faybarka ee niyuuroon
- Dendarayt
- galinta faybariska ee niyuuroon
- Magnetoencephalography (MEG)
- farsamo sawirka maskaxda oo aan qalab u baahnayn oo loo isticmaalo in lagu go’aamiyo meelaha maskaxda firfircoon
- Niyuuroonada
- unugyadu waxay ku yaalaan maskaxda iyo jidhka oo dhan kuwaasi oo gaar u ah gudbinta farriimaha
- Qusayn geed
- habka saarista saynaabsiska saa’idka ah
- Saynaabs
- barta isku-xidhka ee niyuuroonada
- Sel bodhi
- xarunta habayta niyuuroonka
- Wakhtiga xasaasiga ah
- wakhti koboc oo maskaxdu si gaar ah diyaar ugu tahay inay barato xirfad