Bay’oolaji + Waayo-Aragnimo Waxay Dhisaan Maskaxda

Inta caruurnimada aynu ku jirtno, waxaandhisnaa maskaxdeena. Mashruucan dhismeed ee aadka u wayn waa natiijadii bay’oolajigeena iyo waayo-aragnimadeena. Hababka bay’oolajiyeed ee awoodda badan waxay siiyaan aasaaska, alaabta caydhiin iyo qorshaha dhismaha ee aasaasiga ah. Laakiin waayo-aragnimadeena ayaa qaabaysa cidda aynu nahay.  

Bay’oolajigeenu wuxuu bixiyaa niyuuroonada, habka la iskugu xidhayo, waxaanu qeexaa qaabdhismeedka maskaxda. Maskaxdeenu waxay aad ugu egtahay ili-ma-qabatay. Haddana, heerka mikroskoobiga, waayo-aragnimadeena ayaa saamaysa sida maskaxdeena la iskugu xidho. Waayo-aragnimadeena ayaa hagta isku-xidhyada niyuuroon ee samaysmaya, noqonaya waxtar, iyo kuwa la baabiinayo. Marka waayo-aragnimo in badan soo noqnoqoto – ha noqoto mid togan ama taban – waa marka isku-xidhyadaasi sii koraan. Gashiga dareenwad iyo macaamillada dadka lala sameeyo waxay wax ku dartaa nidaamka kaka nee isku-xidhyada niyuuroonada.

Arrimaha bay’oolajiyeed waxay hagaan heerka iyo ilaa xadka sida waayo-aragnimada looga hawlgalo ilme kasta gaarkiisa. Laakiin waayo-aragnimadeena ayaa qabayn karta sida arrimaha bay’oolajiyeed loo muujiyo. Isku-darkan bay’oolaji iyo waayo-aragnimo ayaa noqda dhinac kasta koboca ilmaha.

  • Aksoon
    soosaarka faybarka ee niyuuroon
    Dendarayt
    galinta faybariska ee niyuuroon
    Magnetoencephalography (MEG)
    farsamo sawirka maskaxda oo aan qalab u baahnayn oo loo isticmaalo in lagu go’aamiyo meelaha maskaxda firfircoon
    Niyuuroonada
    unugyadu waxay ku yaalaan maskaxda iyo jidhka oo dhan kuwaasi oo gaar u ah gudbinta farriimaha
    Qusayn geed
    habka saarista saynaabsiska saa’idka ah
    Saynaabs
    barta isku-xidhka ee niyuuroonada
    Sel bodhi
    xarunta habayta niyuuroonka
    Wakhtiga xasaasiga ah
    wakhti koboc oo maskaxdu si gaar ah diyaar ugu tahay inay barato xirfad