
Inagoo adeegsanayna MEG, waxaynu awood u leenahay inaynu waydiino su’aalaha sida: Sidee firfircoonida maskaxda dhallaanku isku beddeshaa, markay baranayaan wax cusub, sida luuqad? Inagoo adeegsanayna MEG, waxaynu bilawnay inaynu tilmaano sida qaybaha kala duwan ee maskaxdu u bilawdo inay wada shaqeeyaan.
Tusaalahan waxayn ku eegi doonaa sida laba qaybood oo maskaxda ah oo u muhiim ah hadalku u bilaabaan inay wada shaqeeyaan. Dhawaan-dhaladyada, 6 bilood jirro iyo 12 jirradu waxay dhagaysteen codadka hadalka intii ay dhex fadhiyeen mishiinka MEG. MEG-gu wuxuu cabbiray wuxuu cabbiray firfircoonida qaybaha maskaxda ee muhiimka ah ‘hadalka’ ama dhagaysiga. Firfircoonida ‘soosaarista hadalka’, ama qaybta hadalka ayaa sidoo kale la cabbiray.
Sawirradan waxay muujinayaan dhinac bidix ee maskaxda. Qaybaha midabka basaliga iyo jaallaha ah waxay muujinayaan halka maskaxda firfircoon. Ugu horrayn, fiiri sawirka bidixda. Waxaad arki kartaa in qaybahaas maskaxda dhawaan-dhaladku ay firfircoonaayeen markii uu dhagaysanayey codadka hadalka. Hadda fiiri sawirka midiga ka xiga. Sidaas lidkeeda, qaybta “hadlidda” ee maskaxdu aad umay firfircoonayn. Marxaladdan da’ yaraanta, labadan qaybood ee maskaxda dhawaan-dhaladka wali si fiican looma abaabulin marka dhallaanku dhagaysanayaan codadka hadalka.
-
- Aksoon
- soosaarka faybarka ee niyuuroon
- Dendarayt
- galinta faybariska ee niyuuroon
- Magnetoencephalography (MEG)
- farsamo sawirka maskaxda oo aan qalab u baahnayn oo loo isticmaalo in lagu go’aamiyo meelaha maskaxda firfircoon
- Niyuuroonada
- unugyadu waxay ku yaalaan maskaxda iyo jidhka oo dhan kuwaasi oo gaar u ah gudbinta farriimaha
- Qusayn geed
- habka saarista saynaabsiska saa’idka ah
- Saynaabs
- barta isku-xidhka ee niyuuroonada
- Sel bodhi
- xarunta habayta niyuuroonka
- Wakhtiga xasaasiga ah
- wakhti koboc oo maskaxdu si gaar ah diyaar ugu tahay inay barato xirfad