Ku Barashada Xidhiidho Taageero Leh

Xidhiidhada taageero waa aasaaska “u-diyaarinta dugsiga” ilmaha. Daryeelayaasha soodhawaynta leh waxay ka caawiyaan caruurta inay bartaan inay aaminaan dadka kale. Marka caruurtu dadka kale aaminaan, waxay helaan kalsooni inay sahamiyaan adduunka. Dhinaca kale, tani waxay kordhisaa fursadaha ay wax ku baranayaan. Macaamillada togan ee ilmuhu la yeesho qaanqaarka furan waxay xoojisaa isku-xidhyada maskaxda caruurta.

Xidhiidhadu waxay noqdaan qaar xoog badan inta lagu jiro macaamillada maalinkasta, gaar ahaan marka ilmuhu iskii iskaga ciyaarayo. Ciyaartu waxay ka caawisaa carruurta adduunku macne u sameeyo. Markay ciyaarayaan, caruurtu waxay bartaan samirka iyo iskaashiga, dabbakhaan dhibaato xallin oo soosaaraan halabuurnimo.

Macaamillada tayada leh ma aha tooyiska, laakiin sida aad u isticmaasho weeye. Waxa jira waxsoosaar badan suuqa oo ku dooda inay xoojinayaan barashada ama koboca maskaxda. Laakiin cilmibaadhis ayaa muujisay in dadku nolosha ilmaha ay yihiin “tooyiska” ugu muhiimsan qolka dhexdiisa.

Supportive relationships are the foundation for a “school ready” child. Warm and responsive caregivers help children learn to trust others. When children trust others, they gain confidence to explore their world. In turn, this increases their opportunities to learn. Positive interactions with a responsive adult strengthen connections in a child’s brain.

Relationships become stronger during everyday interactions, particularly when a child directs his own play. Play helps children make sense of the world. Through play, children learn persistence and cooperation, practice problem solving and develop creativity.

Quality interactions are not about toys, but how you use them. There are many products on the market that claim to boost learning or brain development. But scientific research shows that the people in a child’s life are the most important “toys” in the room.

  • Dhibaato xallinta
    taageerada daryeele uu siiyo ilme si uu uga caawiyo kasbashada in ka badan intii uu awoodi lahaa inuu kasbado kalidii
    Hadalka dhallaanku ku waajahan
    heer cod oo gaar ah iyo qaabka hadalka la isticmaalo la hadalka carruurta yaryar. Sidoo kale waxa loo yaqaan la hadalka dhallaanka
    Ku dayasho
    u-fiirsiga iyagoo soo guurinaya habdhaqan
    Macaamillada gadaal iyo hore ama ku xidhan
    Isdhaafsiga uu daryeele jawaabihiisa ku aaddan habdhaqanka ilmaha