Caruurtu Waxay Ka Bartaan Hadalka Dhallaanka Ku Waajahan

Sida aynu ula hadalno dhallaanku muhiim ayey u tahay xirfadaha luuqadda dhallaanka ee koraya. Marka aad la hadlayso caruur yaryar, waxa dhici karta inaad isticmaasho heer cod oo gaar ah, oo loo yaqaan hadalka dhallaanka ku waajahan, ama “hadal-waalid.” Hadalka dhallaanka ku waajahan wuxuu u dhawaaqaa si ka duwan sida aynu ula hadalno qaanqaarka.

Waa maxay kala duwanaanshaha aad ogaatay labada weedhood? Waxa dhici karta inaad ogaatay in qofka qaanqaarku ula hadlo si qunyar ah sabiga. Sidoo kale waxay isticmaalaan kala duwanaanshaha tayada codka oo weyn, waxayna buunbuuniyaan shaqalladda ku jira jumladda.

Sabiyadu sida runta ah waxay ka doorbidaan inay dhagaystaan hadalka dhallaanka ku waajan ka ku waajahan qaanqaarka. Sidoo kale waxa jira caddayn cilmibaadhis in dhagaysiga hadalka dhallaanka ku waajahan uu ku xidhan yahay barashada luuqadda. Dhallaanka maqla hadalka dhallaanka ku waajahan oo badan sidoo kale waxay u dhaw yihiin inay hadaaqa badiyaan, waxayna ku fiican yihiin barashada erayda sheekada. Sabiyada maqla hadalka dhallaanka ku waajahan oo badan 12 bilood jirkooda waxay leeyihiin eray-bixino ka ballaadhan markay 24 biloodka jiraan.

How we talk to an infant is important for infants’ growing language skills. When you talk with young children, you may use a special tone of voice, called infant-directed speech, or “parentese.” Parentese sounds different from how we talk with adults.

What differences did you notice in the two sentences? You may have noticed that the adult speaks more slowly to a baby. He also uses bigger contrasts in pitch, and exaggerates the vowels in the sentence.

Babies actually prefer to listen to parentese over adult-directed speech. There’s also research evidence that hearing parentese is linked to language learning. Babies who hear more parentese also tend to babble more, and they are better at learning novel words. Babies who hear more parentese at 12 months of age have bigger vocabularies at 24 months of age.

  • Dhibaato xallinta
    taageerada daryeele uu siiyo ilme si uu uga caawiyo kasbashada in ka badan intii uu awoodi lahaa inuu kasbado kalidii
    Hadalka dhallaanku ku waajahan
    heer cod oo gaar ah iyo qaabka hadalka la isticmaalo la hadalka carruurta yaryar. Sidoo kale waxa loo yaqaan la hadalka dhallaanka
    Ku dayasho
    u-fiirsiga iyagoo soo guurinaya habdhaqan
    Macaamillada gadaal iyo hore ama ku xidhan
    Isdhaafsiga uu daryeele jawaabihiisa ku aaddan habdhaqanka ilmaha