Caruurtu Waxay Ku Bartaan Raacista Jalleecada Indhaha

Isgaadhsiintu waxay ku lugleedahay wax ka badan erayo iyo codad. Taasina waa sababta caruurtu u awoodaan inay kaqaybqaataan macaamillada muddo dheer kahor markay fahmi karayaan erayda ama hadalka.

Jaleecada indhuhu waa qaab isgaadhsiin aan luuqad ahayn. Waxay abuurtaa isku-xidh ka dhexeeya daryeelaha iyo ilmaha, waxayna ka caawisaa caruurta inay bartaan. Sawirkan, aabe ayaa soo horfadhiya ilmihiisa. Aabuhu ugu horrayn wuxuu eegayaa ilmaha, kadibna wuxuu u jeedsanayaa inuu eego wax ka dambeeya ilmaha. Ilmuhu wuxuu raacayaa jalleecada indhaha aabaha si uu u arko wuxuu eegayo. Habdhaqankani waa mid caadi ah dhallaanka da’dan. Cilmibaadhis ayaa muujisay in qiyaatii 10 bilood jirka, caruurtu ay bilawdo inay fahamto in jalleecada indhaha loo isticmaali karo in lala hadlo.

Marka ay yihiin socod-barad, caruurtu waxay u isticmaalaan jalleecada indhaha calaamad-bixin waxa qofi xiisaynayo iyo wuxuu ka hadlayo. Marba marka ka dambaysa, tani waxay ka caawisaa caruurta inay bartaan erayada aragtiyaha iyo walxaha bey’addooda.

Communication involves more than words and sounds. That’s why children are able to participate in interactions long before they can understand words or talk.

Eye gaze is a form of non-linguistic communication. It establishes a connection between caregiver and child, and helps children learn. In the photos, a father is sitting across from his child. The father first looks at the child, and then turns to look at something behind the child. The child follows his father’s eye gaze to see what he is looking at. This behavior is typical of infants at this age. Research shows that at around 10 months, children begin to understand that eye gaze can be used to communicate.

By the time they’re toddlers, children use people’s eye gaze as signals for what a person is interested in or what they’re talking about. Over time, this helps children learn words for concepts and objects in their environment.

  • Dhibaato xallinta
    taageerada daryeele uu siiyo ilme si uu uga caawiyo kasbashada in ka badan intii uu awoodi lahaa inuu kasbado kalidii
    Hadalka dhallaanku ku waajahan
    heer cod oo gaar ah iyo qaabka hadalka la isticmaalo la hadalka carruurta yaryar. Sidoo kale waxa loo yaqaan la hadalka dhallaanka
    Ku dayasho
    u-fiirsiga iyagoo soo guurinaya habdhaqan
    Macaamillada gadaal iyo hore ama ku xidhan
    Isdhaafsiga uu daryeele jawaabihiisa ku aaddan habdhaqanka ilmaha