Caruurtu Waxay Ka Bartaan Dadka Kale

Dadku waa furaha (ahmiyadda koowaad) koboca xilli hore ee caruurta. Caruurtu way ku baran karaan sahamin shakhsi ah, laakiin ma jiro wax lagu beddeli karo macaamilka aadanaha! Sabiyadu waxay ugu fiican yihiin barashada marka ay fool-ka-fool tahay.

Tusaale ahaan, cilmibaadhayaashu waxay ogaadeen qaabka macaamilku saameeyo sida ilmaha 9-ka bilood jiraa u barto codadka luuqadaha qalaad. Sabiyadu waxay ka barteen codadka qalaad macaamil toos ah. Laakiin kamay baran codadka daawashada fiidyow. Ma la yaabtay natiijooyinkan? Maxaad ugu malaynaysaa inay caruurtu uga barteen macaamil toos ah laakiin ayna uga baran fiidyow?

Hal suurogalnimo waa macaamillada fool-ka-foolka ah waxay saamaxayaan kaayeysi. Qaangaarku wuxuu kaga jawaabi karaa wakhti xaadirkaas waxa ilmuhu qabanayo ama dhahayo. Waxay eegi karaan halka ilmuhu eegayo, ama calaamadin karaan walax cusub. Laakiin marka ilme uu daawado fiidyow, qofka shaashaddu lama macaamili karo habdhaqanka ilmaha ama ma siin karo tilmaamaha bulsho ee qofka tooska ula joogaa uu siin karo ilmaha.

People are the key to children’s early development. Children can learn by individual exploration or observation, but there’s no substitute for human interaction! Babies learn best during face-to-face interactions.

For example, researchers found that interaction style affects how 9-month-olds learn sounds from foreign languages. Babies learned foreign sounds from a live interaction. But they did not learn the sounds from watching a video. Are you surprised by these results? Why do you think children learned from a live interaction but not through video?

One possibility is that face-to-face interactions allow turn taking. Adults can respond in real time to what the child is doing or saying. They might look where a child is looking, or label a new object. But when a child watches a video, the person on the screen cannot react to the child’s behavior or provide the same social cues that a live person can.

 

  • Dhibaato xallinta
    taageerada daryeele uu siiyo ilme si uu uga caawiyo kasbashada in ka badan intii uu awoodi lahaa inuu kasbado kalidii
    Hadalka dhallaanku ku waajahan
    heer cod oo gaar ah iyo qaabka hadalka la isticmaalo la hadalka carruurta yaryar. Sidoo kale waxa loo yaqaan la hadalka dhallaanka
    Ku dayasho
    u-fiirsiga iyagoo soo guurinaya habdhaqan
    Macaamillada gadaal iyo hore ama ku xidhan
    Isdhaafsiga uu daryeele jawaabihiisa ku aaddan habdhaqanka ilmaha