Casharrada I-LABS

Kooxda wargalinta iyo Waxbarashada I-LABS waxay abuurtay casharadan taxanaha ah si ay ula wadaagto sayniska koboca ilmaha. Casharadan, waxaanu kaga hadli doonaa sida caruurta yaryar wax u bartaan. Waxaanu ku xidhi doonaa fikradaha cilmiyeedka barashada iyo koboca maalin kasta. Inta ay socdaan casharadan, waxaanu dhigi doonaa mawduucyo kala duwan. Waxa jiri doona xogaa isku-dul-dhac xagga macluumaadka, laakiin tani waa wax loo kacay waxaana loogu talogalay isku-xidhka fikradaha muhiimka ah. Casharada waxa loogu talogalay inay noqdaan qaar aayar la heli karo oo aayar la isticmaali karo. Waxay faa’iido u leeyihiin macaamillada maalin kasta ee carruurta iyo wargelinta barnaamijyada iyo sharciyada. 

Waxaanu ugu talo galnay casharadan laba qolo oo cayiman: dadka caruurta wakhti la qaadanaya, iyo dadka go’aano ka qaadanaya taageerooyinka caruurta yaryar.