Shaqada Niyuuroonada“Waayarada Maskaxda” Ee Shabagyada

Niyuuroonadu “waayarada maskaxda” waligood kali ma shaqeeyaan. Oo midna mid kuma ugumana xidhna niyuuroonba walba kan kale wey isku qaab xidhiidhsan. Taas beddelkeeda niyuuroon kastaa waa hal halbeeg shabag kakan oo isku-xidhan. Saynisyahanadu waxay qiyaasaan halkii niyuuroon”waayer maskaxda” inuu la yeelan karo ilaa 8,000 oo isku-xidh niyuuroonada “waayarada maskaxda” kale. Oo shaqada hal niyuuroon waayer maskaxda ah saamaynayso qaar badan oo kale. Maskaxda qofka wayni waxay ka kooban tahay 86 bilyan oo niyuuroon. Haddii mid kasta 86 bilyan ee niyuuroon uu sameeyo 8,000 oo isku-xidh, kakanaanta nidaamku isla markaaba wuxuu noqonayaa mid ay adag tahay in la fahmo. Niyuuroonada maskaxda ayaa sameeyaa shabagga ugu kakan ee la ogyahay koonka.

Qof kasta oo inaga mid ahna mid ayuu leeyahay! Tiriliyaanadan isku-xidh ee maskaxdeenu waa waxa inoo saamaxa inaynu barano oo la qabsano nolosheena oo dhan.

  • Aksoon
    soosaarka faybarka ee niyuuroon
    Dendarayt
    galinta faybariska ee niyuuroon
    Magnetoencephalography (MEG)
    farsamo sawirka maskaxda oo aan qalab u baahnayn oo loo isticmaalo in lagu go’aamiyo meelaha maskaxda firfircoon
    Niyuuroonada
    unugyadu waxay ku yaalaan maskaxda iyo jidhka oo dhan kuwaasi oo gaar u ah gudbinta farriimaha
    Qusayn geed
    habka saarista saynaabsiska saa’idka ah
    Saynaabs
    barta isku-xidhka ee niyuuroonada
    Sel bodhi
    xarunta habayta niyuuroonka
    Wakhtiga xasaasiga ah
    wakhti koboc oo maskaxdu si gaar ah diyaar ugu tahay inay barato xirfad