Maskax Badhaadhsan

Waxaad ka soo qaadi kartaa habka qusaynta sida daryeelista kayn ubax ah. Muddada koboca, waxa jira wakhti korriin weyn. Isku-xidhyada maskaxdu waa “dilaac” si la mid ah ubaxyada xagaaga. Kadib qaraxaa korriinka waxa jira wakhti qusayn. Isku-xidhyada dheeraadka ah ee maskaxda ee aynaan u baahnayn waa la jaraa, sida laamaha ubaxa ee dhuudhuuban. Isku-xidhyadan dheeraadka ah sida runta ah waxay xannibaan shaqada maskaxda. Natiijyada wakhtiga fiilista iyo qusayntu waa maskax – ama kayn-ubax – taasi oo caafimaad qabta oo badhaadhsan. Inta kobocu socdo oo dhan, waxa jira wakhtiyo badan oo fiilis iyo qusayn. Qaraxyadan waxay dhacaan wakhtiyo kala duwan meelo kala duwanna way ka dhacaan maskaxda oo dhan. Saynisyahanadu waxay u malaynayaan in qaraxyadan fiilista iyo qusayntu ay waafaqsan yihiin wakhtiyo xasaasi ah maskaxda dhexdeeda. Wakhtiyada xasaasiga ah waa wakhtiyada maskaxdeenu ay si gaar ah ugu nugushahay waayo-aragnimada, una furan tahay barashada. 

  • Aksoon
    soosaarka faybarka ee niyuuroon
    Dendarayt
    galinta faybariska ee niyuuroon
    Magnetoencephalography (MEG)
    farsamo sawirka maskaxda oo aan qalab u baahnayn oo loo isticmaalo in lagu go’aamiyo meelaha maskaxda firfircoon
    Niyuuroonada
    unugyadu waxay ku yaalaan maskaxda iyo jidhka oo dhan kuwaasi oo gaar u ah gudbinta farriimaha
    Qusayn geed
    habka saarista saynaabsiska saa’idka ah
    Saynaabs
    barta isku-xidhka ee niyuuroonada
    Sel bodhi
    xarunta habayta niyuuroonka
    Wakhtiga xasaasiga ah
    wakhti koboc oo maskaxdu si gaar ah diyaar ugu tahay inay barato xirfad