Dhisidda Maskax Abaabulan

Marka ay 12 bilood jiraan, sabiyo badan ayaa bilaabaya inay dhahaan erayadooda u horreeya. Marxaladdan, firfircoonida isgarab socota qaybaha hadlidda iyo dhagaysiga ee maskaxda ayaa ka sii xoog badan. Firfircoonidan abaabulan ee maskaxdu waa maxsuulka bay’ooliji iyo waayo-aragnimo. Marka dhallaanku maqlo luuqad in badan, isku-xidhyada, iyo heerka abaabulka u dhexeeya labadan qaybood ee maskaxda ayaa kordha. Waayo-aragnimo xilli hore ee luuqaddu si gaar ah ayey muhiim ugu yihiin dhallaanka. Maskaxda dhallaanku waxay bilaabaysaa inay isku xidho o abaabusho qaybahan kahor muddo intayna odhan eraygooda koowaad.

  • Aksoon
    soosaarka faybarka ee niyuuroon
    Dendarayt
    galinta faybariska ee niyuuroon
    Magnetoencephalography (MEG)
    farsamo sawirka maskaxda oo aan qalab u baahnayn oo loo isticmaalo in lagu go’aamiyo meelaha maskaxda firfircoon
    Niyuuroonada
    unugyadu waxay ku yaalaan maskaxda iyo jidhka oo dhan kuwaasi oo gaar u ah gudbinta farriimaha
    Qusayn geed
    habka saarista saynaabsiska saa’idka ah
    Saynaabs
    barta isku-xidhka ee niyuuroonada
    Sel bodhi
    xarunta habayta niyuuroonka
    Wakhtiga xasaasiga ah
    wakhti koboc oo maskaxdu si gaar ah diyaar ugu tahay inay barato xirfad