Muhiimada Maal-gashiga Xilliga Wabarashada Hore

Cilmibaadhista I-LABS waxay muujisay in shanta sano ee u horreeya noloshu ay ku leeyihiin raad aan hadhin sida carruurtu dugsiga ku yihiin iyo nolosha. Isla markaas, waxaanu ognahay in wax badan oo kamid ah “ka gaabinta guulwadaga” “galdaloolada kasbasho” ee carruurta galaysa dugsiga ay ugu wacan yihiin ka gaabinta u diyaargarowgooda. Ka gaabintaan/farqigaan  waxay dhacdaa 2,000kun ee maalmood ee ugu horeeya ilmaha ee u horseedaya ayaamaha iskuulka. Anagoo adeegsanayna cilmibaadhista iyo waxbarasho waxaanu rajaynaynaa inaanu yarayno Farqigaas. Hadafkayagu waa inaanu gacan ka gaysano dhaqdhaqaaq koraya si looga caawiyo caruurta oo dhan inay gaadhaan awooddooda oo dhammaystiran.

Si aanu u gaadhno hadafkan, waxa naga go’an inaanu la wadaagno cilmibaadhistii u dambaysay ee kusaabsanayd barashada xilliga hore daryeelayaasha, macalimiinta iyo sharci-dejiyayaasha. Cilmibaadhistu waxay ka caawin kartaa hoggaamiyayaasha inay abuuraan siyaasad sharci/dhaqan xog-ogaal ah si loo taageero daryeel ilmo iyo waxbarasho tayo leh. Waxay xoojin kartaa sida waalidiinta iyo daryeelayaashu ula macaamilaan carruurta. Cilmibaadhistu sidoo kale waxay wargelin kartaa dabbakhaadaha daryeelka ilmaha, iyadoo horseedaysa bey’ado barashada xilli hore oo la horumariyey. Iyadoo la horumarinayo bey’adaha barashada xilli hore waxaanu rajaynaynaa inaanu yarayno arrimaha halista ku ah caruurnimada. Dhinaca kale, waxaanu yarayn karnaa caqabadaha iyo dib-u-dhacyada mustaqbalka. 

Casharradan, waxaanu ku talo galnay inaanu samayno cilmibaadhis iyo macluumaad toos ah oo kusaabsan barashada xilli hore oo uu qof kastaa heli karo. Waxaanu filaynaa casharradu inay kugu wargelindoonaan sida aad u taageerayso uguna lug yeelanayso caruurta yaryar.